Sunday, February 14, 2016

Shirkii Beesha Caalamka iyo Puntland oo Natiijo La'aan ku soo Dhamaaday


Wakiilka gaarka ah ee u qaabilsan
Xoghayaha Qaramada Midoobay soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa Warsaxaafadeed ay si wada jira u qabteen isaga iyo madaxweynaha puntland Cabdiweli maxamed cali gaas ku sheegay in siyaasiga sare ee puntand oo uu ula jeeday Madaxweynaha puntland Uu u sheegay in
somalidu tahay dad doodi og dhanka
qofnimadana jira isla markaasna wuxuu
sheegay in madaxweynuhu uu u rajeyay
isaga nasiib wacan oo dhanka shaqadiisa. Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay fashilmeen wada hadaladii uu dhexeeyay Beesha caalamka iyo dowladda puntland oo ay weheliyaan qaybaha bulshada rayidka ah iyo siyaasiyiinta madaxa bannaan ee
puntland.
Madaxweynaha puntland ayaa isla
goobta ka sheegay inaysan jirin wax
heshiish ah oo dhexmaray puntland iyo
beesha caalamka oo laga gaaray qaabka loo soo xulin doono xildhibaanada dalka marka laga gaaro bartamaha sanadkan 2016 ka, Madaxweynaha puntland ayaa intaa ku daray in shirka laysugu soo laaban doono.
Sidoo kale danjire Keating ayaa geestiisa
sheegay inaan wax natiijo ah laga gaarin
wada hadaladii ay la yeesheen dowlada
puntland, qaybaha bulshada rayidka &
siyaasiyiinta reer puntland.

Dowladda puntland ayaa horay uga biya diiday in lagu salayo 4.5 qaabka loo soo xulayo xildhibaanada dalka marka la gaaro doorashooyinka guud ee dalka oo lagu wado inay qabsoomaan bartamaha sanadan.
Dowladda soomaaliya iyo beesha caalaamka ayaa horay u shaaciyay in doorashada soo socota lagu salayn doono Nidaamka awood
qaybsiga 4.5 Sidoo kale ismaamul
goboleedyaa qaar ayaa taageeray Habka soo xulista ee 4.5

No comments:

Post a Comment