Sunday, February 21, 2016

Shilinka Soomaaliga oo Dib Loo Daabacayo

Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee soomaaliya Bashiir Ciise cali ayaa sheegay in bangiga dhexe ee soomaaliya uu daabici doono lacago shilin soomaaliya oo cusub markii ugu horeysay tan iyo 1980 kii oo ahayd markii u dambaysay oo bangiga dhexe ee soomaaliya lacag soo saaro. Gudoomiyaha ayaa sheegay in dib u soo saarista shilinka soomaaligu ay caawin doonto dhaqaalaha dalka oo ka soo kabanaya tobanaan sano oo dhaqaaluhu la noolaa nidaam xumo, dagaalo ahliya iyo kooxo burcad diimeedyo ah.

Gudoomiye Bashiir oo ilaa 2003 dii ahaa Gudoomiyaha bangiga dhexe ee dalka ayaa sheegay in dalku aad ugu baahan yahay lacag cusub wuxuuna yiri "lacagta hadda la isticmaalo waa mid duqowday jeex jeexan oo wasakhaysan badideedna waa been abuur" Somalida ayaa hadda aad u isticmaasha lacagta doolarka gaar ahaan lacagta elektorooniga ah ee electronic mobile money-ga la yiraahdo.
Bashiir ayaa sheegay in dib u daabicista shilinku uu fursad siinayo dadka soomaaliyeed ee aan isticmaalin lacagta mobaylka iyo guud ahaan sii adkaynta jiritaanka shilinka soomaaliga sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay dib u daabicista lacagtu inay ka caawin doonto dowladda soomaaliya jaangoynta sicirka sarifka shilinka soomaaliga mark lagu bedelayo lacagaha qalaad

No comments:

Post a Comment