Tuesday, November 15, 2016

Qormo ku Saabsan Qaabdhismeedka Ciidamada Qalabka sida ee Puntland

Dadka qaybtiis marka ay ka hadlayaan ciidamada puntland waxay ku tilmaamaan taliyaha ciidamada daraawiishta ee hadba markaa jooga Inuu yahay taliyaha guud ee ciidamada puntland Arintaas oo ah khalad sharci ahaanna aan sax ahayn. Qaab dhismeedka ciidamada puntland waxaa uu lamid yahay qaab dhismeedkii ay lahaayeen ciidamadii qalabka siday ee dowladii dhexe ee soomaaliya
Ciidamada puntland guud ahaan      waxaa laysku yiraahdaa ciidamada qalabka sida (Armed forces). Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida waa madaxweynaha hadba markaas jira, Ciidamada qalabka sida waxay ka koobmaan
-Daraawiish
-Boliis    
-Asluub
-Ilaalada xeebaha                              
-Iyo PIA  oo ah ciidamada sirdoonka iyo ladagaalanka argagixisada.
Qaybahaan kala duwan ee ciidan midoodna ma hoostagto mida kale.
Ciidamada Birmadka, Taraafikada iyo CID-du waa waax hoosaadyo katirasan boliiska oo leh talisyo maxad bannaan.

Ciidamada Dowladda hoose waa Ciidamo heer deegaan ah (Municipal police) waana kuwa u hooseeya ciidamada,  ciidankani ka mid ma aha  sinabana looguma tiriyo ciidamada wadanka ama Ismaamulka,  maamul ahaanna waxay hoos tagaan Maamulka heer deegaan.

Armed forces :
-Army
-Police
-Custodian
-Coastguard
-Puntland Intelligence Agency (PIA)

Police sub-divisions
▪Criminal Investigation Division (CIA)
▪Crack and Anti-Riot Unit (Birmad)
▪Traffic police (Taraafiko)

Sunday, September 18, 2016

Mogadishu Isn't as You Thinking

Today is 17 Sep 2016, and it's my tenth day here mogadishu, Indeed the city isn't as many people guessed, whatsoever we can't deny there are a lot of obstacles and consistent fear here but another side the city truly is incredible especially the sweetness of the climate while you cannot separate whether it's noon, afternoon or late morning also the design city had been built is almost world class, and all small items are cheaper,  definitely mogadishu is worthy to be the capital but to be a good capital it should have a peace.



Thursday, March 3, 2016

Raxa Muxarrak, Haweeneydii U horesay ee Sucuudiyaan ah Oo Fuusha Mount Everest


Dunida waxaa ku yaala buuro aad u waaweyn oo cabiro dherer oo kala duwan leh, Si kasta ha ahaatee waxaa aad u yar tirada dadka go'aansada inay fuulaan buurahaas iskuna taxa lujiya inay soo taabtaan fiiqa sare ee buuraha.

Markaan maqalo wuxuun ku saabsan haweenka sucuudiga waxaa isla markiiba madaxeena ku soo dhacaya inay yihiin haween muxaafid ah oo ka  caagan dhammaan waxqabadyada jireed iyo nooc kasta oo Ispoortis,
Si kastaba ha ahaatee haweeneydan yar oo sucuudiyaanka ahi ma aha oo keliya haweeynaydii u horreysay oo sucuudiyaan ah ee gaarta fiiqa sare ee buurta ugu dheer aduunka ee Ifristi (mount everest) balse waxay meesha ka saartay dacaayaddii gaamurtay ee ahayd inaan haweenka sucuudigu ka qayb qaadan karin wax-qabadyada jireed.

Raxa Muxarrak oo ah 29 jir ayaa noqotay haweeneydii u horreysay oo ka soo jeeda dalka sucuudiga ee fuusha buurta ugu dheer aduunka ee la yiraahdo Mount everest"
Raxa Muxarrak oo si adag u tababaratay si ay u xaqiijiso riyadeeda ah inay fuusho isla markaasna soo taabato fiiqa ugu sareeya buurta ugu dheer caalamka ayaa sida la sheegay waqti dheer waxaa ku qaatay sidii ay uga dhaadhicin lahayd waalidiinteed inay xaqiijiso damaceeda ah inay fuusho buurta Mount everest iyadoo ugu damayntii waalidiinteed ka heshay ruqsada inay bilaabi karto safarkeeda. Raxa ayaa biloowday safarkeeda iyadoo wehelisa nin pakistani ah iyo nin kale oo ka tirsan qoyska boqortooyada Qatar, Raxa ayaa sheegtay inay tahay haweeney sucuudiyaan ah oo samaysay waxaanay samayn karin qaar badan oo raga kamida Waxayna intaa ku dartay inay waajahday xiligii safarkeeda dhiiri gelin la'aan fara badan iyadoo bulshada sucuudigu aysan arrintaan soo dhoweyn Inkastoo ay heshay kalsoonida walidkeed.
Waxay kaloo sheegtay inaysan iyadda ahaan qiimo badan u lahayn inay tahay haweeneydii u horreysay ee sucuudiyaan ah ee gaarta fiiqa buurta ugu dheer caalamka balse ay dooneyso inay arriintaas sii wadaan gabdhaha kale ee sucuudiga iyo Jaziirada carabta ka soojeeda, Raxa ayaa sheegtay inay dooneyso inay waajahdo caqabadaha Jinsiga ee gobolka.

Raxa ayaa safarkeeda kadib qabatay Siminaaro kala duwan oo dhiirigelin ah iyo khudbado kicin ah oo waayo aragnimadeeda ay kula wadaagtay haweenka carbeed.
Raxa muxarrak ayaa hadda Jaamacada Synergy ee kutaal dalka Imaaraatka ku diyaarisa shaahaadada heerka labaad ee MBA da. Raxa waxay muddo ku noolayd kana shaqeynesay dalka Imaaradka

Monday, February 29, 2016

Fifa Oo Madaxweyne Cusub Dooratay


Gianni Infantino oo ah masuul muddo dheer ka soo shaqaynayey kubadda cagta ayaa loo doortay Hogaanka cusub ee Fifa tan iyo sanada 2019, wuxuu xilkaas ka beddelay Sepp Blatter oo muddo dheer madax ka ahaa ururka kubadda cagta aduunka ee Fifa,  Doorashadan ayaa timi kadib muddo 9 billood ah oo masuuliyiinta fifa loo haystay eedeymo musuqmaasuq.
Mr Infantino ayaa doorashada oo adkayd saacado badana socotay ku guulaystay wareegii labaad ee cod bixinta kadib markuu Helay 115 cod iyadoo tirada cod bixiyayaashu ay dhammaayeen 207,  Infantino ayaa wareegii hore ee cod bixinta ku hogaaminayay 88 cod halka Shiikh Salman Bin Ibrahim Al-Khalifa ka haystay 85 cod  dhanka kale Prince Ali Bin- husseyn oo u dhashay dalka Urdun ayaa keensaday 27 cod halka Jerome Champagne oo faransiisii uu ka helay 7 cod. Murashixiinta ayaan midkoodna helin saddex meelood oo labo 3/2 taasoo keentay in labada tartame ee u codka badani galaan wareeg labaad.

Guusha uu gaaray Infantino ayaa la sheegaya inay ka yaabisay ninkii ugu cad caddaa ee tartanka kula jiray Shiikh Salman bin Ibrahim Al-khalifa oo ah maalqabeen carabeed oo u dhashay dalka Baxreyn, Shiikh salmaan ayaa sheegay inuu filayay ergay ka badan inta uu helay oo cod siisa

Infantino ayaa imminka ah Xoghaya guud ee ururka kubadda cagta ee yurub ee Uefa loo yaqaan.

Sepp blatter ayaa doorashada kadib u hambalyeeyay hogaanka cusub ee fifa wuxuuna sheegay inuu yahay shaqsi ka bixi kara xilkaas weyn.

Madaxweynaha cusub Infantino oo ah 45 jir u dhashay dalka Switzerland taariikh nadiifana leh ayaa sheegay inuu  dib u soo celin doono sumcadii iyo xurmaddii fifa

Sunday, February 21, 2016

Shilinka Soomaaliga oo Dib Loo Daabacayo

Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee soomaaliya Bashiir Ciise cali ayaa sheegay in bangiga dhexe ee soomaaliya uu daabici doono lacago shilin soomaaliya oo cusub markii ugu horeysay tan iyo 1980 kii oo ahayd markii u dambaysay oo bangiga dhexe ee soomaaliya lacag soo saaro. Gudoomiyaha ayaa sheegay in dib u soo saarista shilinka soomaaligu ay caawin doonto dhaqaalaha dalka oo ka soo kabanaya tobanaan sano oo dhaqaaluhu la noolaa nidaam xumo, dagaalo ahliya iyo kooxo burcad diimeedyo ah.

Gudoomiye Bashiir oo ilaa 2003 dii ahaa Gudoomiyaha bangiga dhexe ee dalka ayaa sheegay in dalku aad ugu baahan yahay lacag cusub wuxuuna yiri "lacagta hadda la isticmaalo waa mid duqowday jeex jeexan oo wasakhaysan badideedna waa been abuur" Somalida ayaa hadda aad u isticmaasha lacagta doolarka gaar ahaan lacagta elektorooniga ah ee electronic mobile money-ga la yiraahdo.
Bashiir ayaa sheegay in dib u daabicista shilinku uu fursad siinayo dadka soomaaliyeed ee aan isticmaalin lacagta mobaylka iyo guud ahaan sii adkaynta jiritaanka shilinka soomaaliga sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay dib u daabicista lacagtu inay ka caawin doonto dowladda soomaaliya jaangoynta sicirka sarifka shilinka soomaaliga mark lagu bedelayo lacagaha qalaad

Wednesday, February 17, 2016

10 Ka Lacagood Ee Ugu Qiimaha Liita Aduunka


Had iyo jeer waxaa la arkaa dadka oo Isbarbardhig ku samaynaya lacagta dalkooda iyo lacagaha qalaad ee qiimaha sare leh sida lacagta Maraykanka.
Halkaan waxaan ku soo gudbin doonaa 10 ka lacagood ee ugu qiimaha liita Aduunka, Qiimaha Amase tayada lacagaha aduunka ayaa lagu miisaamay heerka sarif ee ay ka joogaan Doolarka Maraykanka. 10 ka lacagood ee soo socda ayaa noqday lacagaha ugu tayada liita Aduunka marka lagu beddelo ama  lagu sarifo Doolarka Maraykanka.

Liiska Tobanka lacagood ee  ugu tayada liita aduunka ayaa la soo saaray bishii 2-aad ee sanadan 2016 ka.

1) RIYAAL IIRAANI lacagta Iiraan ayaa ah lacagta ugu tayada liidata aduunka, Xaanshida lacageed ee ugu weyn lacagta Iiraan ayaa ah 100,000 oo Riyaal oo isku yaal oo u dhigma 3.31 US  doolar. Halka doolar oo Maraykanka ah ayaa ku bedelama 30,184 riyaal Iiraani

2) SAO TOME and PRINCIPE DOBRA dalkan oo ah jaziirad yar oo afrikaan ah oo ku taal gacanka Guinea ayaa lacagtiisa oo la yiraahdo Dobra ay tahay lacagta labaad ee aduunka ugu liidata kolka la bedelanayo ama wax lagu biicsanayo, Halka doolar oo maraykanka ah ayaa lagu sarifaa 27,410 Dobre. Warqada lacageed ee ugu weyn  ayaa ah 100,000 oo Dobre oo isku yaal oo u kubedelma 5.21 US doolar


3) SHILIN SOOMAALI waa lacagta jamhuuriyada federalka soomaliya lacagtan oo xili kamid ahayd lacagaha ugu qiimaha sareeya aduunka ayaa qiimeheedu hoos u sii dhacayay tan iyo intii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee soomaaliya
Halka doolar oo maraykanka ah ayaa lagu bedelaa 21,000 oo shilin. Xaanshida lacageed ee ugu weyn waa 1000 shilin o isku yaal


4) FIITNAM DOONGI lacagtan ayaa ah lacagta dowladda Viitnaam waan lacagta afraad ee aduunka ugu tayada liidata, Halka doolar oo maraykanka ah ayaa lagu sariftaa 22,290 Doongis Xaanshida lacageed ee ugu weyn oo isku taal ayaa ah 500,000 oo Doongis


5) RUBLE BEELARUUSH waa lacagta dowladda beelaruushiya waana lacagta shanaad ee ugu qiimaha liidata aduunka, lacagatan ayaa la soosaaray sanadii 1992 dii kolkii uu burburay midowgii sufiyeeti. belaruuyisha horay waxay u isticmaali jirtay lacagtii midowga sufiyeeti ee la oran jiray Rubelka sufiyeetiga (Soviet ruble) Halka doolar oo maraykanka ah aya lagu bedelaa  21,725 rublis
Xaanshida lacageed  ee ugu weyn waa 5 Milyan oo rublis oo iskutaal una dhiganta 230 US doolar

6) RUBIYAH INDONUSHIYA waa lacagta dalka Indonushiya Halka doolar oo maraykanka ah aya lagu sarifaa 13,770 Rubiyah  Warqada lacageed ee ugu weyn waa 100,000 oo Rubiyah oo u qalanta 7.26 US doolar

7) LOWTIYAAN KIP waa lacagta dalka lows oo ah dal yar oo ku yaala koonfur bari Aasiya. Halka doolar oo maraykanka ah ayaa u dhigma 8,142 Kiipis Warqada lacageed ee ugu weyn waa 100.000 oo kiipis oo lagu bedelo 12.28 US doolar

8) FARANKIGA JAMHUURIYADA GENI waa mid kamida lacagaha ugu Itaalka daran dunida Halka doolar oo maraykanka ah ayaa lagu bedelaa 7,721 farankis Cadadka lacageed ee ugu weyn oo Isku yaala ayaa ah 10,000 oo faranki oo u dhigma 1.30 US doolar

9) BARAGWAYAN  GUWARANI waa lacagta jamhuuriyada baragway ee ku taal Ameerikada koonfureed  Halka doolar oo maraykanka ah ayaa lagu bedelaa 5,869 guwaaraani Warqada lacageed ee ugu weyn waa 100,000 oo guwaaraani oo isku taal una dhiganta  17.04 US doolar



10) SIRILIYOON  lIYOONEE waa lacagta dalka siriliyoon oo ah dal mudo dheer dagaalo ahliyii ka socdeen lacagta dalka ayaan mudo dayactir helin, Halka doolar oo maraykanka ah ayaa lagu sarifaa 4,125 Iiiyoonis Xaanshida lacageed ee ugu weyn lacagtaan ayaa ah 10,000  oo lliyoonis oo u qalanta 2.42 US doolar.






Tuesday, February 16, 2016

Transparency Int Oo baahisay Warbixin Ku Saabsan Musuqmaasuqa Wadamada Aduunka


Hay'ada Transparency International ayaa soo saartay warbixinteedii sanadlaha ahayd ee ku aadanayd cabirada musuqmaasuq ee dhinacyada dhaqaalaha iyo garsoorka ee wadamada dunida. Warbixintan oo laga ururiyay 175 Dal ayaa ku salaysan heerka uu marayay musuqmaasuqa wadamada aduunku sanadii 2004 tii. Transparency International ayaa sanad kadib daabacday tusmada musuqmaasuqa wadamada aduunka iyadoo sanadii 2005 tii aan wax warbixin ah la daabicin.                            
Warbixinta ayaa xustay inuusan jirin wadan xorka ah         musuqmaasuq  sidoo kale wadamada musuqmaasuqoodu sarayo ayaa lagu tilmaamay inay yihiin wadamo dakhliga dalka iyo sharciguba baylahyihiin.

Dalka aduunka ugu musuqmaasuqa yar ayaa noqday dalka Denmark iyadoo 7 kamida 10 ka dal ee aduunka ugu musuqmaasuqa yar ay noqdeen wadamo reer yurub ah Halka 3 da kalena ay kala noqdeen dalalka New zealand Canada iyo Singapore.

Wadanka ugu musuqmaasuqa yar dunida carabta ayaa noqday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta iyadoo kaalinta labaad uu soo galay dalka Boqortooyada Sucuudigu.

Wadamada ugu musuqmaasuqa saraya ayaa warbixintu sheegtay inay yihiin wadamada Woqooyiga Kuuriya & Soomaaliya oo si wada jira warbixintu dalalkaan booska ugu damaya u wada dhigtay iyagoo tiro isku mida keenay sida warbixinti qortay.

Monday, February 15, 2016

Biritan oo Shaacisay Inay In Ka Badan 4.3 Milyan oo Doolar Ugu Deeqeyso Ciidamada Xooga Dalka Soomaliya

Wasiiru dowlaha ciidamada ee dalka biritan oo ku sugan haatan magaalada muqdisho ee xarunta dalka soomaaliya ayaa munaasabad ay si wadajir ah u qabteen iyada iyo ra'iisal wasaaraha soomaliya Cumar Cabdirashiid ku shaacisay in dalkeedu uu ciidamada xooga dalka soomaliya ugu deeqayo lacag dhan 4.3 million oo doolar, Lacagtaan ayaa sida ay sheegtay wasiiru dowluhu looga caawin donaa ciidamada soomaaliya dhinacyada saadka iyo caafimaadka, Arrintaan ayaa ah garab joogsi ay dowlada biritan garab joogsaneyso Ciidamada somaaliya si ay guulo uga gaaraan dagaalka ay kula jiraan argagixisada sida ay sheegtay Wasiiru dowlaha ciidamada Biritan Penny Mordaunt.

10 Ka Lacagood Ee Ugu Xooga Badan Aduunka

Qormadaan soo socota waxaan ku soo gudbin doonaa Toban ka lacagood ee ugu xooga badan Aduunka, Dunida waxaa ku yaal 192 dal inta badan wadamada aduunku waxay leeyihiin lacago ugaar ah. Qiimaha lacagtu waxay ku tiirsan tahay hadba awooda wax iibsi iyo sarif ee ay lacagtaasi ku leedaahay suuqyada caalamiga ah.    

Liiska Tobanka lacagood ee u xooga badan aduunka markii u damaysay ee la soo saaro waxay ahayd bishii labaad ee sanadkii tegay ee 2016.

1) DIINAAR KUWAYTI waa lacagta rasmiga ah ee dowlada kuwait oo kamida dowladaha aduunka ugu qanisan Waana lacagta ugu xooga badan aduunka Halka diinaar oo kuwaytiga ah wuxuu u dhigmaa 3.31 USD, Warqada lacageed ee ugu weyn diinaarka kuwayt waa 20 Diinaar oo isku yaal oo u dhigma 66.18 USD.

2) DIINAAR BAXRAYNI waa lacagta rasmiga ah ee boqortooyada baxreyn Halka diinaar oo baxrayniga ah wuxuu u dhigmaa 2.65 USD, sanadii 2008 dii ayaa Bangiga dhexe ee baxreyn soo saaray xaanshidii lacageed ee ugu weynayd abid oo ah 20 diinaar oo isku yaal oo u dhigma 53.05 USD.

3) RIYAAL CUMAANI waa lacagta rasmiga ah ee saldanadda Cumaan Halka riyaal oo cumaaniga ah wuxuu u dhigmaa 2.60 USD, Lambarka lacageed ee ugu weyn oo uu ilaa iyo imminka soo saaray bangiga dhexe ee cumaan waa 50 Riyaal oo isku yaal oo u dhigma 129.85 USD.

4) LAATFIYAAN LAT waa lacagta dastuuriga ah ee dowladda Jamhuuriyada Laatfiya Halka yunit oo Laatka ah wuxuu u dhigmaa 1.62 USD,  Lambarka lacageed ee ugu weyn Laatka waa 500 oo Laat oo u dhiganta 805.74 USD. 
 
5) BOONKA JASIIRADAHA FAALKILAAN boonkani waa lacagta rasmiga ah ee Jasiiradaha faalkilaan oo ah jasiirado hoos yimaada dalka Biritan kuna yaala badda baasiifiga, Markii ugu horaysay ee la daabacay boonkan waxay ahayd sanadii1883, Halkeeda boon wuxuu u dhigmaa 1.46 USD, xaanshida lacageed ee ugu weyn waa 50 boon oo u dhigma 72.26 USD

6) BOON ISTARLIINKA BIRITAN lacagatan caadiyan waxaa loo yaqaan Boon waana lacagta rasmiga ah ee boqortooyada UK Sidoo kale lacagtani waa lacagta ugu facaweyn aduunka Halkeeda boon wuxuu u dhigmaa 1.45 USD, tirada ugu weyn ee lacagtaan waa 50 boon oo u dhigma 72.31 USD

7) GIBRALTAR BOON waa lacagta rasmiga ah ee gibraltar oo ah maamul yar oo hoostaga dalka biritan halkeeda boon wuxuu ku beddelmaa 1.44 USD, waxaa ugu sarreeya lacagataan 50 giblitar oo isku yaal oo u dhigma 72.07 USD.

8) SAYNTI HELENA BOON waa lacagta rasmiga ah ee jasiiradaha Helena & Aseeyshan oo hoos taga dalka biritan Halka boon ee lacagtaan wuxuu u dhigmaa 1.45 USD waxaana ugu weyn 20 boon oo isku yaal oo u dhigma 28.839 USD.

9) DIINAARKA URDUN waa lacagta dastuuriga ah ee boqortooyada haashimiyiinta ee Urdun Halka diinaar ee lacagtaan wuxuu u qalmaa 1.41 USD Bangiga dhexe ee urdun ayaa soo saaray sanadii 1999 tiradii ugu weynayd ee lacagtaan oo ah 50 diinaar oo u dhigma 70.61 USD.

10) LACAGTA MIDOWGA YURUB EE YUURADA waa lacagta rasmiga ah ee 19 ka dowladood ee Yuuro Soonka, Halka yuuro waxaa lagu sarifaa 1.09 USD xaanshida ugu weyn waa 500 oo yuuro oo u dhiganta 545.95 USD.

Sunday, February 14, 2016

Wasaarad Dad badan ka yaabisay oo uu Magcaabay Ra'iisal wasaaraha Imaaraadku

Ra'iisul wasaaraha dowladda Isu tagga Imaaraatka carabta ahna madaxweyne kuxigeenka dalka iyo madaxa magaalada Dubey Shiikh Maxamed bin Rashid Al Maktuum ayaa shaaciyey inuu u magcaabay haweeneyda Ahuud al- ruumi Wasiiru dowlaha Farxadda iyo Dulqaadka wasaaradan ayaa ah mid ku cusub dalka.
Shiik Maxamed Bin rashiid ayaa yiri farxadu ma aha mashruuc barnaamij qorshayaal amase u rajayn, wasaaradani waxay war gelin doontaa wasaaradaha kale si aanu ugu farax gelino una ogaysiino shaqooyinkooda Ahuud al-ruumi ayaa sidoo kale haatan ah xoghayaha guud ee xafiiska ra'iisul wasaaraha waana sii wadi doontaa shaqadan sida lagu yiri digreetada.
Dalka imaaraadka oo 44 sano kahor qaatay xornimadiisa saliidana qani ku ah ayaa lagu sheegay sanadkii hore inuu yahay dalka 20- aad ee muwaadiniintiisu ugu farxadda badan yihiin. Dalka Switzerland ayaa loo magcaabay sanadkii hore wadanka muwaadiniintiisu ugu farxada badan yihiin aduunka waxaana shanta dal ee muwaadiniintoodu ugu farxada badan yihiin kamid noqday dalalka Iceland Denmark Norway iyo Canada .

Shirkii Beesha Caalamka iyo Puntland oo Natiijo La'aan ku soo Dhamaaday


Wakiilka gaarka ah ee u qaabilsan
Xoghayaha Qaramada Midoobay soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa Warsaxaafadeed ay si wada jira u qabteen isaga iyo madaxweynaha puntland Cabdiweli maxamed cali gaas ku sheegay in siyaasiga sare ee puntand oo uu ula jeeday Madaxweynaha puntland Uu u sheegay in
somalidu tahay dad doodi og dhanka
qofnimadana jira isla markaasna wuxuu
sheegay in madaxweynuhu uu u rajeyay
isaga nasiib wacan oo dhanka shaqadiisa. Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay fashilmeen wada hadaladii uu dhexeeyay Beesha caalamka iyo dowladda puntland oo ay weheliyaan qaybaha bulshada rayidka ah iyo siyaasiyiinta madaxa bannaan ee
puntland.
Madaxweynaha puntland ayaa isla
goobta ka sheegay inaysan jirin wax
heshiish ah oo dhexmaray puntland iyo
beesha caalamka oo laga gaaray qaabka loo soo xulin doono xildhibaanada dalka marka laga gaaro bartamaha sanadkan 2016 ka, Madaxweynaha puntland ayaa intaa ku daray in shirka laysugu soo laaban doono.
Sidoo kale danjire Keating ayaa geestiisa
sheegay inaan wax natiijo ah laga gaarin
wada hadaladii ay la yeesheen dowlada
puntland, qaybaha bulshada rayidka &
siyaasiyiinta reer puntland.

Dowladda puntland ayaa horay uga biya diiday in lagu salayo 4.5 qaabka loo soo xulayo xildhibaanada dalka marka la gaaro doorashooyinka guud ee dalka oo lagu wado inay qabsoomaan bartamaha sanadan.
Dowladda soomaaliya iyo beesha caalaamka ayaa horay u shaaciyay in doorashada soo socota lagu salayn doono Nidaamka awood
qaybsiga 4.5 Sidoo kale ismaamul
goboleedyaa qaar ayaa taageeray Habka soo xulista ee 4.5

Nin Sucuudiyaan ah Oo Xaaskiisa U furay Qoraalka ay Whatsapp Status-ka Ku Qoratay Dartiis


Guurku waa shay aad muhiim u ah oo aan
Sinaba looga maarmin, Lamaanayaasha
qaar ayaa guurka u arka nimco iyo
barwaaqo ballaaran waxayna u arkaan
lamaanahooda saaxiibkooda ugu wanaagsan
Aduunka.
Hadaba nin sucuudiyaan ah oo ku nool
magaalada Dammaam ayaa xaaskiisii furay
isagoo furiinka sabab uga dhigay qormo
xaasku ku qoratay whatsapp status-keeda,
qormadaas oo ahayd "Waan tukanayaa si
aan U helo dulqaad badan oo Aan kuu
yeesho" Ninkan ayaa sida la yiri sheegay
inuu fahmay macnaha dhabta ah ee
qormada whatsapp status-ka xaaskiisa
wuxuuna sheegay ninkani inuu fahmida
macnaha qormada uu ka caawiyay nin ay
qaraabo yihiin uuna u sheegay in qormadani
tahay Qadaf ka dhan aha shaqsiyadiisa,
Waxaa kaloo jirtay sida ay sheegeen
asxaabta iyo qaraabada ninkani in xaasku
aysan farxad badan ku haysan saygeeda,
Agaasime ku xigeenka Xarunta Horumarinta
Arrimaha Qoyska ee gobalka bari ee dalka
sucuudiga oo ah halka uu ka dhacay
furiinku ayaa sheegay in waqtigan Kiisaska
ugu badan ee furriinka ka dhaca sucuudiga
ay sababaan wararka laysku dhaafsado
baraha bulshada, Waxaa dhacda buu yiri in
lamaanuhu ay iska aflagaadheeyaan baraha
bulshada Waxaa kale oo jirta in haweenku
ay lamaanohooda ugu gudbiyaan baraha
bulshada erayo sarbeeb ama doqon ma
garato ah oo abuuri kara khilaaf sidoo kale
ragga ayaan ka marnayn isticmaalka ereyo
maladahan oo khilaaf sababa.
Sidoo kale qareen caan ah oo isla gobolkaas
ka shaqeeya ayaa sheegay in tirada furiinku
had iyo jeerba sarayso, wuxuuna qiray
xaqiiqda ah in waxa ugu badan ee sababa
furiinka ka dhaca gudaha sucuudiga uu
yahay baraha bulshada, Qareenkan oo
aqoon badan u leh kiisaska furiinka mudo
dheerna ka soo shaqaynayay ayaa kula
taliya lamaanayaasha sucuudiga ah inay
isdejiyaan waqti dheeriya oo nasniino iyo
dib u fekeris ahna qaataan ka hor intaysan
gaarin go'aanka kama damaysta ah ee
furiinkooda.

Faroole is A Bold Who can't Hide his Inner sense

Puntland former president honorable Abdirehman faroole has failed to hide his enmity against the unjust tribal power sharing form of 4.5, he said 4.5 must be ended today, It seems somali incumbent president Hassan shiek has indirectly responded faroole's sense while he said "ever we had frictions and we have been breaking them, when we break one obstacle another one comes so challenges became part of our experience. friction will head us and we'll break we won't allow friction to hinder our way to forward.