Guurku waa shay aad muhiim u ah oo aan
Sinaba looga maarmin, Lamaanayaasha
qaar ayaa guurka u arka nimco iyo
barwaaqo ballaaran waxayna u arkaan
lamaanahooda saaxiibkooda ugu wanaagsan
Aduunka.
Hadaba nin sucuudiyaan ah oo ku nool
magaalada Dammaam ayaa xaaskiisii furay
isagoo furiinka sabab uga dhigay qormo
xaasku ku qoratay whatsapp status-keeda,
qormadaas oo ahayd "Waan tukanayaa si
aan U helo dulqaad badan oo Aan kuu
yeesho" Ninkan ayaa sida la yiri sheegay
inuu fahmay macnaha dhabta ah ee
qormada whatsapp status-ka xaaskiisa
wuxuuna sheegay ninkani inuu fahmida
macnaha qormada uu ka caawiyay nin ay
qaraabo yihiin uuna u sheegay in qormadani
tahay Qadaf ka dhan aha shaqsiyadiisa,
Waxaa kaloo jirtay sida ay sheegeen
asxaabta iyo qaraabada ninkani in xaasku
aysan farxad badan ku haysan saygeeda,
Agaasime ku xigeenka Xarunta Horumarinta
Arrimaha Qoyska ee gobalka bari ee dalka
sucuudiga oo ah halka uu ka dhacay
furiinku ayaa sheegay in waqtigan Kiisaska
ugu badan ee furriinka ka dhaca sucuudiga
ay sababaan wararka laysku dhaafsado
baraha bulshada, Waxaa dhacda buu yiri in
lamaanuhu ay iska aflagaadheeyaan baraha
bulshada Waxaa kale oo jirta in haweenku
ay lamaanohooda ugu gudbiyaan baraha
bulshada erayo sarbeeb ama doqon ma
garato ah oo abuuri kara khilaaf sidoo kale
ragga ayaan ka marnayn isticmaalka ereyo
maladahan oo khilaaf sababa.
Sidoo kale qareen caan ah oo isla gobolkaas
ka shaqeeya ayaa sheegay in tirada furiinku
had iyo jeerba sarayso, wuxuuna qiray
xaqiiqda ah in waxa ugu badan ee sababa
furiinka ka dhaca gudaha sucuudiga uu
yahay baraha bulshada, Qareenkan oo
aqoon badan u leh kiisaska furiinka mudo
dheerna ka soo shaqaynayay ayaa kula
taliya lamaanayaasha sucuudiga ah inay
isdejiyaan waqti dheeriya oo nasniino iyo
dib u fekeris ahna qaataan ka hor intaysan
gaarin go'aanka kama damaysta ah ee
furiinkooda.
No comments:
Post a Comment