Monday, February 29, 2016

Fifa Oo Madaxweyne Cusub Dooratay


Gianni Infantino oo ah masuul muddo dheer ka soo shaqaynayey kubadda cagta ayaa loo doortay Hogaanka cusub ee Fifa tan iyo sanada 2019, wuxuu xilkaas ka beddelay Sepp Blatter oo muddo dheer madax ka ahaa ururka kubadda cagta aduunka ee Fifa,  Doorashadan ayaa timi kadib muddo 9 billood ah oo masuuliyiinta fifa loo haystay eedeymo musuqmaasuq.
Mr Infantino ayaa doorashada oo adkayd saacado badana socotay ku guulaystay wareegii labaad ee cod bixinta kadib markuu Helay 115 cod iyadoo tirada cod bixiyayaashu ay dhammaayeen 207,  Infantino ayaa wareegii hore ee cod bixinta ku hogaaminayay 88 cod halka Shiikh Salman Bin Ibrahim Al-Khalifa ka haystay 85 cod  dhanka kale Prince Ali Bin- husseyn oo u dhashay dalka Urdun ayaa keensaday 27 cod halka Jerome Champagne oo faransiisii uu ka helay 7 cod. Murashixiinta ayaan midkoodna helin saddex meelood oo labo 3/2 taasoo keentay in labada tartame ee u codka badani galaan wareeg labaad.

Guusha uu gaaray Infantino ayaa la sheegaya inay ka yaabisay ninkii ugu cad caddaa ee tartanka kula jiray Shiikh Salman bin Ibrahim Al-khalifa oo ah maalqabeen carabeed oo u dhashay dalka Baxreyn, Shiikh salmaan ayaa sheegay inuu filayay ergay ka badan inta uu helay oo cod siisa

Infantino ayaa imminka ah Xoghaya guud ee ururka kubadda cagta ee yurub ee Uefa loo yaqaan.

Sepp blatter ayaa doorashada kadib u hambalyeeyay hogaanka cusub ee fifa wuxuuna sheegay inuu yahay shaqsi ka bixi kara xilkaas weyn.

Madaxweynaha cusub Infantino oo ah 45 jir u dhashay dalka Switzerland taariikh nadiifana leh ayaa sheegay inuu  dib u soo celin doono sumcadii iyo xurmaddii fifa

No comments:

Post a Comment