Tuesday, November 15, 2016

Qormo ku Saabsan Qaabdhismeedka Ciidamada Qalabka sida ee Puntland

Dadka qaybtiis marka ay ka hadlayaan ciidamada puntland waxay ku tilmaamaan taliyaha ciidamada daraawiishta ee hadba markaa jooga Inuu yahay taliyaha guud ee ciidamada puntland Arintaas oo ah khalad sharci ahaanna aan sax ahayn. Qaab dhismeedka ciidamada puntland waxaa uu lamid yahay qaab dhismeedkii ay lahaayeen ciidamadii qalabka siday ee dowladii dhexe ee soomaaliya
Ciidamada puntland guud ahaan      waxaa laysku yiraahdaa ciidamada qalabka sida (Armed forces). Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida waa madaxweynaha hadba markaas jira, Ciidamada qalabka sida waxay ka koobmaan
-Daraawiish
-Boliis    
-Asluub
-Ilaalada xeebaha                              
-Iyo PIA  oo ah ciidamada sirdoonka iyo ladagaalanka argagixisada.
Qaybahaan kala duwan ee ciidan midoodna ma hoostagto mida kale.
Ciidamada Birmadka, Taraafikada iyo CID-du waa waax hoosaadyo katirasan boliiska oo leh talisyo maxad bannaan.

Ciidamada Dowladda hoose waa Ciidamo heer deegaan ah (Municipal police) waana kuwa u hooseeya ciidamada,  ciidankani ka mid ma aha  sinabana looguma tiriyo ciidamada wadanka ama Ismaamulka,  maamul ahaanna waxay hoos tagaan Maamulka heer deegaan.

Armed forces :
-Army
-Police
-Custodian
-Coastguard
-Puntland Intelligence Agency (PIA)

Police sub-divisions
▪Criminal Investigation Division (CIA)
▪Crack and Anti-Riot Unit (Birmad)
▪Traffic police (Taraafiko)

Sunday, September 18, 2016

Mogadishu Isn't as You Thinking

Today is 17 Sep 2016, and it's my tenth day here mogadishu, Indeed the city isn't as many people guessed, whatsoever we can't deny there are a lot of obstacles and consistent fear here but another side the city truly is incredible especially the sweetness of the climate while you cannot separate whether it's noon, afternoon or late morning also the design city had been built is almost world class, and all small items are cheaper,  definitely mogadishu is worthy to be the capital but to be a good capital it should have a peace.



Thursday, March 3, 2016

Raxa Muxarrak, Haweeneydii U horesay ee Sucuudiyaan ah Oo Fuusha Mount Everest


Dunida waxaa ku yaala buuro aad u waaweyn oo cabiro dherer oo kala duwan leh, Si kasta ha ahaatee waxaa aad u yar tirada dadka go'aansada inay fuulaan buurahaas iskuna taxa lujiya inay soo taabtaan fiiqa sare ee buuraha.

Markaan maqalo wuxuun ku saabsan haweenka sucuudiga waxaa isla markiiba madaxeena ku soo dhacaya inay yihiin haween muxaafid ah oo ka  caagan dhammaan waxqabadyada jireed iyo nooc kasta oo Ispoortis,
Si kastaba ha ahaatee haweeneydan yar oo sucuudiyaanka ahi ma aha oo keliya haweeynaydii u horreysay oo sucuudiyaan ah ee gaarta fiiqa sare ee buurta ugu dheer aduunka ee Ifristi (mount everest) balse waxay meesha ka saartay dacaayaddii gaamurtay ee ahayd inaan haweenka sucuudigu ka qayb qaadan karin wax-qabadyada jireed.

Raxa Muxarrak oo ah 29 jir ayaa noqotay haweeneydii u horreysay oo ka soo jeeda dalka sucuudiga ee fuusha buurta ugu dheer aduunka ee la yiraahdo Mount everest"
Raxa Muxarrak oo si adag u tababaratay si ay u xaqiijiso riyadeeda ah inay fuusho isla markaasna soo taabato fiiqa ugu sareeya buurta ugu dheer caalamka ayaa sida la sheegay waqti dheer waxaa ku qaatay sidii ay uga dhaadhicin lahayd waalidiinteed inay xaqiijiso damaceeda ah inay fuusho buurta Mount everest iyadoo ugu damayntii waalidiinteed ka heshay ruqsada inay bilaabi karto safarkeeda. Raxa ayaa biloowday safarkeeda iyadoo wehelisa nin pakistani ah iyo nin kale oo ka tirsan qoyska boqortooyada Qatar, Raxa ayaa sheegtay inay tahay haweeney sucuudiyaan ah oo samaysay waxaanay samayn karin qaar badan oo raga kamida Waxayna intaa ku dartay inay waajahday xiligii safarkeeda dhiiri gelin la'aan fara badan iyadoo bulshada sucuudigu aysan arrintaan soo dhoweyn Inkastoo ay heshay kalsoonida walidkeed.
Waxay kaloo sheegtay inaysan iyadda ahaan qiimo badan u lahayn inay tahay haweeneydii u horreysay ee sucuudiyaan ah ee gaarta fiiqa buurta ugu dheer caalamka balse ay dooneyso inay arriintaas sii wadaan gabdhaha kale ee sucuudiga iyo Jaziirada carabta ka soojeeda, Raxa ayaa sheegtay inay dooneyso inay waajahdo caqabadaha Jinsiga ee gobolka.

Raxa ayaa safarkeeda kadib qabatay Siminaaro kala duwan oo dhiirigelin ah iyo khudbado kicin ah oo waayo aragnimadeeda ay kula wadaagtay haweenka carbeed.
Raxa muxarrak ayaa hadda Jaamacada Synergy ee kutaal dalka Imaaraatka ku diyaarisa shaahaadada heerka labaad ee MBA da. Raxa waxay muddo ku noolayd kana shaqeynesay dalka Imaaradka

Monday, February 29, 2016

Fifa Oo Madaxweyne Cusub Dooratay


Gianni Infantino oo ah masuul muddo dheer ka soo shaqaynayey kubadda cagta ayaa loo doortay Hogaanka cusub ee Fifa tan iyo sanada 2019, wuxuu xilkaas ka beddelay Sepp Blatter oo muddo dheer madax ka ahaa ururka kubadda cagta aduunka ee Fifa,  Doorashadan ayaa timi kadib muddo 9 billood ah oo masuuliyiinta fifa loo haystay eedeymo musuqmaasuq.
Mr Infantino ayaa doorashada oo adkayd saacado badana socotay ku guulaystay wareegii labaad ee cod bixinta kadib markuu Helay 115 cod iyadoo tirada cod bixiyayaashu ay dhammaayeen 207,  Infantino ayaa wareegii hore ee cod bixinta ku hogaaminayay 88 cod halka Shiikh Salman Bin Ibrahim Al-Khalifa ka haystay 85 cod  dhanka kale Prince Ali Bin- husseyn oo u dhashay dalka Urdun ayaa keensaday 27 cod halka Jerome Champagne oo faransiisii uu ka helay 7 cod. Murashixiinta ayaan midkoodna helin saddex meelood oo labo 3/2 taasoo keentay in labada tartame ee u codka badani galaan wareeg labaad.

Guusha uu gaaray Infantino ayaa la sheegaya inay ka yaabisay ninkii ugu cad caddaa ee tartanka kula jiray Shiikh Salman bin Ibrahim Al-khalifa oo ah maalqabeen carabeed oo u dhashay dalka Baxreyn, Shiikh salmaan ayaa sheegay inuu filayay ergay ka badan inta uu helay oo cod siisa

Infantino ayaa imminka ah Xoghaya guud ee ururka kubadda cagta ee yurub ee Uefa loo yaqaan.

Sepp blatter ayaa doorashada kadib u hambalyeeyay hogaanka cusub ee fifa wuxuuna sheegay inuu yahay shaqsi ka bixi kara xilkaas weyn.

Madaxweynaha cusub Infantino oo ah 45 jir u dhashay dalka Switzerland taariikh nadiifana leh ayaa sheegay inuu  dib u soo celin doono sumcadii iyo xurmaddii fifa

Sunday, February 21, 2016

Shilinka Soomaaliga oo Dib Loo Daabacayo

Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee soomaaliya Bashiir Ciise cali ayaa sheegay in bangiga dhexe ee soomaaliya uu daabici doono lacago shilin soomaaliya oo cusub markii ugu horeysay tan iyo 1980 kii oo ahayd markii u dambaysay oo bangiga dhexe ee soomaaliya lacag soo saaro. Gudoomiyaha ayaa sheegay in dib u soo saarista shilinka soomaaligu ay caawin doonto dhaqaalaha dalka oo ka soo kabanaya tobanaan sano oo dhaqaaluhu la noolaa nidaam xumo, dagaalo ahliya iyo kooxo burcad diimeedyo ah.

Gudoomiye Bashiir oo ilaa 2003 dii ahaa Gudoomiyaha bangiga dhexe ee dalka ayaa sheegay in dalku aad ugu baahan yahay lacag cusub wuxuuna yiri "lacagta hadda la isticmaalo waa mid duqowday jeex jeexan oo wasakhaysan badideedna waa been abuur" Somalida ayaa hadda aad u isticmaasha lacagta doolarka gaar ahaan lacagta elektorooniga ah ee electronic mobile money-ga la yiraahdo.
Bashiir ayaa sheegay in dib u daabicista shilinku uu fursad siinayo dadka soomaaliyeed ee aan isticmaalin lacagta mobaylka iyo guud ahaan sii adkaynta jiritaanka shilinka soomaaliga sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay dib u daabicista lacagtu inay ka caawin doonto dowladda soomaaliya jaangoynta sicirka sarifka shilinka soomaaliga mark lagu bedelayo lacagaha qalaad

Wednesday, February 17, 2016

10 Ka Lacagood Ee Ugu Qiimaha Liita Aduunka


Had iyo jeer waxaa la arkaa dadka oo Isbarbardhig ku samaynaya lacagta dalkooda iyo lacagaha qalaad ee qiimaha sare leh sida lacagta Maraykanka.
Halkaan waxaan ku soo gudbin doonaa 10 ka lacagood ee ugu qiimaha liita Aduunka, Qiimaha Amase tayada lacagaha aduunka ayaa lagu miisaamay heerka sarif ee ay ka joogaan Doolarka Maraykanka. 10 ka lacagood ee soo socda ayaa noqday lacagaha ugu tayada liita Aduunka marka lagu beddelo ama  lagu sarifo Doolarka Maraykanka.

Liiska Tobanka lacagood ee  ugu tayada liita aduunka ayaa la soo saaray bishii 2-aad ee sanadan 2016 ka.

1) RIYAAL IIRAANI lacagta Iiraan ayaa ah lacagta ugu tayada liidata aduunka, Xaanshida lacageed ee ugu weyn lacagta Iiraan ayaa ah 100,000 oo Riyaal oo isku yaal oo u dhigma 3.31 US  doolar. Halka doolar oo Maraykanka ah ayaa ku bedelama 30,184 riyaal Iiraani

2) SAO TOME and PRINCIPE DOBRA dalkan oo ah jaziirad yar oo afrikaan ah oo ku taal gacanka Guinea ayaa lacagtiisa oo la yiraahdo Dobra ay tahay lacagta labaad ee aduunka ugu liidata kolka la bedelanayo ama wax lagu biicsanayo, Halka doolar oo maraykanka ah ayaa lagu sarifaa 27,410 Dobre. Warqada lacageed ee ugu weyn  ayaa ah 100,000 oo Dobre oo isku yaal oo u kubedelma 5.21 US doolar


3) SHILIN SOOMAALI waa lacagta jamhuuriyada federalka soomaliya lacagtan oo xili kamid ahayd lacagaha ugu qiimaha sareeya aduunka ayaa qiimeheedu hoos u sii dhacayay tan iyo intii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee soomaaliya
Halka doolar oo maraykanka ah ayaa lagu bedelaa 21,000 oo shilin. Xaanshida lacageed ee ugu weyn waa 1000 shilin o isku yaal


4) FIITNAM DOONGI lacagtan ayaa ah lacagta dowladda Viitnaam waan lacagta afraad ee aduunka ugu tayada liidata, Halka doolar oo maraykanka ah ayaa lagu sariftaa 22,290 Doongis Xaanshida lacageed ee ugu weyn oo isku taal ayaa ah 500,000 oo Doongis


5) RUBLE BEELARUUSH waa lacagta dowladda beelaruushiya waana lacagta shanaad ee ugu qiimaha liidata aduunka, lacagatan ayaa la soosaaray sanadii 1992 dii kolkii uu burburay midowgii sufiyeeti. belaruuyisha horay waxay u isticmaali jirtay lacagtii midowga sufiyeeti ee la oran jiray Rubelka sufiyeetiga (Soviet ruble) Halka doolar oo maraykanka ah aya lagu bedelaa  21,725 rublis
Xaanshida lacageed  ee ugu weyn waa 5 Milyan oo rublis oo iskutaal una dhiganta 230 US doolar

6) RUBIYAH INDONUSHIYA waa lacagta dalka Indonushiya Halka doolar oo maraykanka ah aya lagu sarifaa 13,770 Rubiyah  Warqada lacageed ee ugu weyn waa 100,000 oo Rubiyah oo u qalanta 7.26 US doolar

7) LOWTIYAAN KIP waa lacagta dalka lows oo ah dal yar oo ku yaala koonfur bari Aasiya. Halka doolar oo maraykanka ah ayaa u dhigma 8,142 Kiipis Warqada lacageed ee ugu weyn waa 100.000 oo kiipis oo lagu bedelo 12.28 US doolar

8) FARANKIGA JAMHUURIYADA GENI waa mid kamida lacagaha ugu Itaalka daran dunida Halka doolar oo maraykanka ah ayaa lagu bedelaa 7,721 farankis Cadadka lacageed ee ugu weyn oo Isku yaala ayaa ah 10,000 oo faranki oo u dhigma 1.30 US doolar

9) BARAGWAYAN  GUWARANI waa lacagta jamhuuriyada baragway ee ku taal Ameerikada koonfureed  Halka doolar oo maraykanka ah ayaa lagu bedelaa 5,869 guwaaraani Warqada lacageed ee ugu weyn waa 100,000 oo guwaaraani oo isku taal una dhiganta  17.04 US doolar



10) SIRILIYOON  lIYOONEE waa lacagta dalka siriliyoon oo ah dal mudo dheer dagaalo ahliyii ka socdeen lacagta dalka ayaan mudo dayactir helin, Halka doolar oo maraykanka ah ayaa lagu sarifaa 4,125 Iiiyoonis Xaanshida lacageed ee ugu weyn lacagtaan ayaa ah 10,000  oo lliyoonis oo u qalanta 2.42 US doolar.






Tuesday, February 16, 2016

Transparency Int Oo baahisay Warbixin Ku Saabsan Musuqmaasuqa Wadamada Aduunka


Hay'ada Transparency International ayaa soo saartay warbixinteedii sanadlaha ahayd ee ku aadanayd cabirada musuqmaasuq ee dhinacyada dhaqaalaha iyo garsoorka ee wadamada dunida. Warbixintan oo laga ururiyay 175 Dal ayaa ku salaysan heerka uu marayay musuqmaasuqa wadamada aduunku sanadii 2004 tii. Transparency International ayaa sanad kadib daabacday tusmada musuqmaasuqa wadamada aduunka iyadoo sanadii 2005 tii aan wax warbixin ah la daabicin.                            
Warbixinta ayaa xustay inuusan jirin wadan xorka ah         musuqmaasuq  sidoo kale wadamada musuqmaasuqoodu sarayo ayaa lagu tilmaamay inay yihiin wadamo dakhliga dalka iyo sharciguba baylahyihiin.

Dalka aduunka ugu musuqmaasuqa yar ayaa noqday dalka Denmark iyadoo 7 kamida 10 ka dal ee aduunka ugu musuqmaasuqa yar ay noqdeen wadamo reer yurub ah Halka 3 da kalena ay kala noqdeen dalalka New zealand Canada iyo Singapore.

Wadanka ugu musuqmaasuqa yar dunida carabta ayaa noqday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta iyadoo kaalinta labaad uu soo galay dalka Boqortooyada Sucuudigu.

Wadamada ugu musuqmaasuqa saraya ayaa warbixintu sheegtay inay yihiin wadamada Woqooyiga Kuuriya & Soomaaliya oo si wada jira warbixintu dalalkaan booska ugu damaya u wada dhigtay iyagoo tiro isku mida keenay sida warbixinti qortay.